Wednesday, February 11, 2009

ugaasku waa kan afargeeska kujira isagoo ka qeyb qaadanaya xaflad balaaran oo lagu caleemo saareyey ugaaska guud ee bahweynta shiikhaaleed


waa kuma shiikhaal cabdi sheekh????

Dib markii loo raaco cabdi sheekh waxaa ay kasoo jeedaa maxamed mudulood oo ah curudka mudulood ee saaxada siyaasada laga waayay sanadihii dambe waxaana beesha mudulood ay shaaca ka qaadeen in dadkaasi ay dhumeen oo la waayay ama ay cirib tirmeen.

xagey sartu ka qurun santahay????

hadii aan nahay cabdi sheekh waxaan sheegeynaa inaan horay kulamo ula yeelanay siyaasyin sare oo katirsan beesha abgaal sida cali mahdi maxamed.



waxaa jirta dhibaatooyin kale oo waa weyn dhibaatooyinkaas ayaa ah mid waayahan dambe soo cusboonaaday kuwaasoo soo if baxay wixii ka dambeeyey 1960-kii xurnimadii markii ay somalia qaadatay dhamaan somaalidu oo u badneyd reer miyi ay gabi ahaanba soo galeen magaaldamarxaladihii ay soo martay beesha cabdi sheekh.

waxaa jiray shirar badan oo ay ka qeyb galeen siyaasiyin mataleysay beesha cabdi sheekh hase ahaatee halkaasi kuqadeen sababo laxiriira (discrimination)ama faquuq.beesha cabdi sheekh waxaa ay asal ahaan kasoo jeedaa mudulood oo waa curudka beesha mudulood ee loo aqoon jiray(maxamed mudulood)beesha waa beel run ahaantii xaqiran taas ayaa kusaleysan dhibaatooyin aan hada laxusi karin iyo cadaadisyo ka yimid qabaa'ilada soomalida gaar ahaan beesha shiikhaal.

(for instance) ama tusaale waxaa jiray odayaal kasocday cabdi sheekh oo ka qeyb galay shirkii dhamaan bahweynta soomaaliyeed ee lagu qabtay jabuuti sanadii 2000 ee lagu soo doortay madaxweynihii hore ee c/qaasim waxbana lagama keenin halkaasi.waxaa taasi kadarneyd shir weynihii kale ee kenya ka dhacay oo kabadnaa tirada xildhibaanadii jabuti ee eldoret iyo mbghati ee lagu soo doortay c/laahi yuusuf ee loo yaqaanaay (somali peace and reconcilitition confrence)ama shirkii nabada iyo dib uheshiisiinta soomaalida waxaana taasi dad badan oo falanqeeya arrimaha siyaasada somalia iyo beelaha u arkeyeen inay tahay (timirtii horaa dab loo waayay) .

marka aan wax ka taabano halka ay beesha dhul ahaan u badan yihiin waxaa la tilmaamaa gobolada jubooyinka iyo shabeelada hoose .beesha cabdi sheekh ayaa ah beel istaqaano oo aysan kusoo gaban karin cidna ugu yaraan abtirka cabdi sheekh waxaa uu gaaraa ilaa 10 oday markii la geeyo ilaa awoowe cabdi sheekh.

ugaaska ugu sareeya beesha shiikhaal cabdi sheekh waa ugaas macalin nuur oo run ahaantii ah qof dagan oo nabada jecel isla markaana arimo badan oo soo wajahay beesha xaliyay iyadoo xilkaan si wadajir ah ay ugu qanacsan yihiin dhamaan culumaa udiinka,aqoon yahanada ,haweenka,ganacsatada iyo dhalinyarada .

beesha ayaa leh siyaasiyiin udhuun daloola arrimaha somalia kasocda oo had iyo jeer jecel inay mataalaan dadkooda(representives).aqoon yahano kasoo jeeda beeshan ayaa jira oo dibadaha wax ku barta jaamacado sida uk,usa,uganda,south africa,germany,ireland iyo goobo kale oo badan .hadaba waxaa jira in dhibaatooyin ay ku haayaan beelo dhowr ah oo isku deegan ay yihiin hase ahaatee aan hada lacarabaabeynin kuwaasoo ku dhaqaaqay waxyaabo badan oo kujira liiska beesha cabdi sheekh waxaa jirta in magaalda jilib dhowr wiil oo beesha u dhashay hab qabiil loo dilay oo ay dileen beel katirsan beelaha shiikhaal iyagoo dhibaato u arkayay in beesha ay dhul ahaan kusoo badaneysay dhulalkaas su aashu waxa ay tahay dhulka soo dadkan uma dhalanin mise waa muhaajiriin kayimid wadama afrikaanka ah ee kale??????

waxa ay noqotay (incredible) amakaag ama wax aan laqaadan karin(unacceptable)in si gooni ah dhibaato loo galiyo.arrinta kaliya ee ay ku faanto beesha ayaa waxaa ay tahay in aysan jirin goob si gaar ah ay uheestaan oo mooryaani u joogto oo la leeyahay halkaas ayay heystaan ama cabdi sheeh ayaa sidaas geystay inaan shacabka horay u maqlin waxaana salaadiintu ay balan qaadeen in aan xitaa hada kadib la maqli doonin.waxaana dadka hor ukaca ah ama dhalinta hada beesha usoo baxday ay isku dayi doonaan sidii beeshaan ay saaxada bulshada dhexdeeda uga soo dhex muuqan laheyd maadaama beeshu u badan tahay reer guuraa.


ururka BYDA(beesha youth development associastion)


waa kuma BYDA(beesha youth development associastion)?? waxqabadkiisu waa maxay? yaase hogaamiye???..
BYDA waa urur ay kumideysan yihiin dhamaan waxgaradka iyo dhalin yarada waxgalka ah ee beesha shiikhaal cabdi sheekh waxaana hogaamiya macallin maxamed shariif.
waxaa la aas aasay sanadkii 2002-da

hadaba ula jeedooyinka iyo fikradaha iyo goolasha uu hiigsanaayo ururka waxan idin soo gudbin doonaa goor dhow haduu eebe raali kanoqdo. (it's till under process)...

liiskii kala qeybsiga xubnaha beelaha soomaaliyeed ee ka qeyb galay shirkii dib uheshiisiinta ee ka dhacay muqdisho 2007 tirada ay heshay beesha shiikhaal iyo go aamadii ay soo saareen xubnahaas.

1-Xalinta khilaafaadka Beelaha Soomaaliyeed :-Shir weynuhu wuxuu go’aamiyay
1-Kowda Agoust shir weynuhu wuxuu aqoonsaday maalintii uu dhamaaday dagaalkii sukeeye ee soomaaliya ka socday intii u dhexeysay 1978-2007, dhamaan beelaha soomaaliyeedna waa is cafiyeen.
2-Dadka soomaaliyeed shirweynuhu waxa uu ugu baaqayaa xabad joojin iyo hub iska dhigis.
3-Laga bilaabo 1-da Agoust 2007-da ergooyinka ka soo qeyb galay shirka waxaa loo aqoonsaday ergooyin qaran oo matalaya Ummadda soomaaliyeed oo dhan.
4-Shirweynuhu waxa uu isku raacay in loo bixiyey isbahysiga beelaha shannaad lamana oran oroan karo hada ka dib Others iyo IWM.


2-HUB ISKA DHIGIDA Shir weynuhu wuxuu go’aamiyay

1-In deg deg loo dhiso ciidamo qaran oo si fiican u tababaran, qalabkooda shaqo u dhamaystiran yahay, akhlaaqdooda iyo caqiiqadooda fiiican yihiin , mushaarkooda iyo daryeelkoodana joogto loo siiyo bil walba dhamaadkeeda.2-In dhamaan shacabka soomaaliyeed isku waqti hubka laga dhigo iyadoo lala kaashanayo beesha caalamka..

3-In la joojiyo hubka ka imaanaya debada lana xiro seyladaha lagu iibiyo hubka ee dalka oo dhan.


4-Si loo fudadeeyo barnaamijka hub ka dhigista waxaa haboon in maleeshiyooyinka loo sameeyo dhaqan celin iyo wax barasho xirfadeed mustaqbalka, si ay ula qabsadaan nolosha bulshada, iyadoo kaalmo la weydiisanayo beesha caalamka iyo dalalka saaxiibka la ah soomaaliya.
5-Iyadoo lala kaashanayo hogaamiye dhaqameedyada, culamaa’udiinka Ahlu sunnah wal jameeca, suugaanlayda, haweenka soomaaliyeed iyo dhamaan qeybaha kala duwan ee bulshada soomaaliyeed, waa in la sameeyo wacyi gelin si joogto ah ugu baxda qalabka warbaahinta ku saabsan barnaamijka hub dhigista iyo nabad galyada qaranka.
6-Go’aanada ka soo baxay shirweynaha ee ku saabsan hub ka dhigista iyo nabad galyada waa in loo aqoonsadaa mid sharci ah ama dastuuri ah, cidii ku xadgudubtana loo aqoonsadaa iany tahay nabad diid iyo qaran jibis.


7-Nabadgalyada dalka iyo dadka waxaa ka mas’uul dowlada, dadweynahana waxaa looga bahan yahay iany gacan buuxda ka gaystaan sugida nabad galyada dalka.
8-Qof kasta, beel kasta ama koox kasta oo shirweynaha ka dib dhibaato u gaysata ummadda soomaaliyeed, dowlada iyo dadweynahaba waxaa loo hortagayaa si wada jir ah shirweynaha sharciga ayaana la horkeenayaa, beel kastana waa inay u hogaansanaataa nabad ku soo dabaalida dalka iyadoo doorkeeda ka qaadanaysa.
3-HANTI ISU CELINTAShir weynuhu wuxuu go’aamiyay
1-Waa in si shuruud la’aan ah la isugu celiyo hantida ma guuraanka ah, mid qaran iyo mid gaar ahaaneed, oo ay ka mid yihiin Guri, Gaadiid, Dhul deegaan , Dhul beereed, Beer, Warshedo, Hooso Qalabka taariikhiga ah, qoraalo qiimo taariikheed iyo mid dhaqaalaba leh, Ceel Barkad iyo Xoolo nool.
2-Shirweynuhu waxa uu ka codsanayaa beelaha, madax dhaqameedyada beelaha, waxgaradka iyo dowladaba inay door wax ku ool ah ka qaataan dedejinta meel marinta hanti isu celinta.
4-DOWLAD WANAAG, DIMUQRAADIYADDA, XISBIYADA TIRADA BADAN IYO TIRO KOOBKA DADKAShir weynuhu wuxuu go’aamiyay
1-Shir weynuhu wuxuu weli ku howlan yahay arinta dib u heshiisiinta sii wadideeda, sidaa darteed wuxu gudoomiyaha iyo gudiga dib u heshiisiinta u ogolaaday in shir dib u heshiisiin isugu yeeri karaan markii loo baahdo.
2-Dowlada waa in si hagar la’aan ah u fuliso una sii wado barnaamijka dib u heshiinsiinta soomaaliyeed iyadoo u qeybinaysa:-A-Dowlada waa in ay wada hadal la furto kuna dadaasho inay la heshiiso shaqsiyaadka, kooxaha, ururada iyo maamulada siyaasad ahaan ka soo horjeeda iyo cid kasta oo ka harta in wax lagu xaliyo dagaal, argagaxisnimo iyo xagjirnimo nooc kastaba ha ahaatee.
B-Dowlada waa inay gaarsiiso dib u heshiisiinta beelaha soomaaliyeed dhamaan gobolada, degmooyinka iyo tuulooyinka iyadoo loo ogolaanayo degmo kasta iyo gobol kasta inay soo doorato ama soo xushaan hogaankeeda maamul.

C-Dowladu waa inay abaabusho shirar waqtiyaysan oo la isugu keenayo Culumaa’idiinka Sunna wa Jameeca iyadoo ujeeedadu tahay inay qeexaan soona bandhigaan qatarta xagjirnimada caalamiga ah iyo inay soo jeediyaan barashada iyo ku dhaqanka saxa ah ee diinta islaamka.
3-In la dhiso xukuumad tayo leh oo laga xulay Baarlamaanka iyo dadweynahaba iyadoo la tixgelinayo aqoon, karti, waayo aragnimo, hufnaan, dabeecad wanaag iyo wadaninimo.
4-Iyadoo la dhowrayo Axdiga KMG ah xukuumada dhisayaa waa inay noqoto mid loo dhan yahay, kuna dhisan awood qeybsiga siyaasadeed ee run ah.
5-Iyadoo ilaalinaysa waqtiga KMG ah waxaa dowlada laga codsanayaa inay dhowrto meel marinta Axdoga KMG hirgelinaysana howlaha:-

Tiro koobka dadka, Diyaarinta dastuurka Federalka, Afti dadweyne ku ansixinta dastuurka, sameynta sharciga xisbiyada badan, Magacaabista gudiga doorashooyinka iyo ugu dambayntii qabashada doorashooyin xor ah oo madaxbannaan inta aanay dhamaan mudada ku meel gaarka ah ee sanadka 2009.
5-Shir weynaha dib u heshiisiinta beelaha soomaaliyeed wuxuu go’aamiyay kana codsanayaa Madaxweynaha dowlada Federalka KMG Mudane Cabdullahi Yuusuf Axmed inuu kordhiyo muddada jirintaanka gudiga dib u heshiisiinta beelaha soomaaliyeed, iyadoo gudigaas awood buuxda loo siinayo:-
A-In mar kasta oo loo baahdo, gudiga isugu yeeri karo ama abaabuli karo shir dib u heshiisiineed oo heer kasta iyo nooc kasta noqon kara.B-In gudigu hubiyo daba galna ku sameeyo meel marinta iyo habsami u fulinta go’aanada shirweyanaha beelaha soomaaliya.
4-QEYBSIGA KHEYRAADKA DALKA IYO HUBINTA AWOOD QEYBSIGAShir weynuhu wuxuu go’aamiyay
1-Waa in dowladu daraasaad ku samaysaa sida aan qeyraadka dalkeena kula soo bixi lahayn loona xaqiijin lahaa ka faa’idaysiga.
2-Kheyaadka dalka waa hanti qaran waxaana ka mas’uul ilaalinta iyo qeybintoodaba dowlada Federalka KMG, iyadoo ugu qeybinaysa si cadaalad ah isu dheeli tiran mudnaan gaar ahna siinaysa deegaanka kheyraadka ka soo baxay.
3-Waxaa loo baahan yahay in doono dadkii soomaaliyeed ee aqoonta lahaa, lagana howl galiyo hay’adaha dowlada heer qaran, heer dowlad goboleed, heer gobol iyo heer degmo intaba.
Shir weynuhu wuxuu go’aamiyay
1-Ilaalinta iyo xurmaynta waxaa ka mas’uul ah dowlada.2-Waa in laga hortago waxa alaale wixii keeni kara kala qeybsanaan xaga diinta ah.
3-Waa in manhajka waxbarashada dalka ee tarbiyada diinta islaamka lagu saleeyo mabaa’diida shareecada islaamka si gaar ahna loola socdo.
4-Waa in dowladu aasaasto Gole Ifto oo marjac u noqda arimaha diinta islaamka.
5-Waa in la nooleeyo farista macruufka iyo reebitaanka munkarka loona jiheeyo culimada hanuuninta dhalinayarada soomaaliyeed shibil iyo ciidanba.
6-Waa in la aqoonsado kaalinta culumaa’idiinka fursadna loo siiyo inay si ficil ah ugu qeybgalaan nabadeynta ummadda iyo dib dhiska dalka.
7-Waa in fariisimada ciidamadanka la durkiyo goobaha lagu cibaadaysto hadii aysan dhib ku ahayn amaanka guud.
8-In dowlada u howl gasho fidinta iyo barashada shareecada islaamka iyadoo la dajinayo hanaan iyo qorshe laga bilaabo dugsiyada xifdinta Qur’aanka kariimka ah machida diiniga iyo jaamacadaha soomaaliyeed.
9-Waa la joojiyo khilaafaadka lana adeeco madaxda qaranka ee muslimiinta ah.
10-Shirku wuxuu soo jeedinayaa dhamaan qeybaha bulshada in Ilaahay loo noqdo oo Alle Baryo iyo inla soomo maalmo sedex ah laga bilaabo maalinta arbacada ah 29-Agoust 2007.


7-MIDNIMADA SHACABKA JAMHUURIYADA SOOMAALIYEED

Shir weynuhu wuxuu go’aamiyay
1-Midnimada soomaaliyeed ay tahay mid muqadas ah oo qof kasta soomaali ah xil ka saaran yahay dhowristeeda.
2-Wixii la kala tabanayo waa in laga wada hadlo, cidii gar yeelatana loo garaabo raali gelina la siiyo, iyadoo madashaas laga duulayo dowladu waa in wada hadal la bilowdo waqtiga ku haboon maamulka Somali land lana gaaro heshiis xaq iyo cadaalad ku dhisan iyadoo la ilaalinayo midnimada qaranka soomaaliyeed.
3-Waa in Kheyraadka iyo maamulka si cadaalad ah loo qeybsada.

4-Dastuurka la qorayo waa inuu noqdaa mid ku salaysan nidaanka federaaliga oo xaq u siinaya qeyb kasta inay maamulato beesheeda, isla markaasna xil ku saaraan ilaalinta midnimda, dowlad wanaaga iyo u hogaansananta dowlada dhexe iyadoo dowlada dhexena si wax tar leh u kormeerayso hab sami u socdka maamul goboleedyada iyo ilaalinta midnimada, wixii khilaaf ah soo baxa waxna u dhimi kara midnimada dalka waa in lala kaashado dastuurka dalka iyo hay’adiisa sare ee cadaalada.
8-Xuquuqda haweenka Shir weynuhu wuxuu go’aamiyay

1-In saamiga haweenka ee baarlamaanka la fuliyo.
2-In haweenka la siiyo kaalin wax ku ool ah xukuumada iyo garsoorka.
3-In qoondada haweenka maamulka gobolada la fuliyo.
4-Fulinta barnaamijka dib u heshiisiinta waa in haweenka ay ku yeeshaan kaalintooda heer qaran, dowlad goboleed, gobol iyo degmaba.
5-Haweenku waa in dib u heshiisiinta ku yeeshaan qeybtooda heer go’aan qaadashada iyo fulintaba.

6-in la dhiiri geliyo Ururada rayidka ee haweenka.
7-In baarurujin loo sameeyo waxbarashada Gabdhaha (Promation of Girl Education Progarmes).
8-In haweenka loo sameeyo wax barasho xirfadeed.9-In haweenka la siiyo fursad maal gelin ganacsi .10-In haweenku tix gelin lagu siiyo qandaraayada ay dowlada bixiso.11-In la dhiiro gelyo haweenka ganacsatada ah.12-In caafimaadka hooyada iyo dhalaanka wax weyn laga qabto.
XUBNAHA KU SAXIIXAN GO’AAMADA IYO MAGACYADOODA

Go’aanadan ayaa waxaa ku saxiixan Odyaasha Duubabka Hawiye, Isimada Daarood, Malaaqyada Digil & Mirifle, Isimada Dir iyo Salaadiinta Beelaha Isbaysiga tirada xubnaha saxiixay Go’aamadan ayaa gaaraya 191-xubnood waxayna kala yihiin sidan:-

DUUBABKA BEELAHA HAWIYE

1-Imaam Max’uud Imaam Cumar =Abgaal
2-Ugaas Max’uud Cali Ugaas = Abgaal
3- Wak Ugas Mobleyn= Axmed Islow Max’ed
4-Sulaan Abuukar Islow Cusmaan =Wacdaan
5-Ugaas Cusmaan Cilmi Cumar = Ciise Mudulood
6- Wak.Ugaas Ceyr =Ugaas Cali Max’ed Cali
7-Suldaan Cali Axmed (Cali Horseed) =Suleymaan

8-Sudaan C/naasir Jaamac Seed =Sacad


9-Max’ed Sheekh Axmed =Saruur




10-Axmed Ugaas Faarax =Duduble




11- Wak. Ugas Murusade= Muxyidiin Xasan Axmed




12-Ugaas C/raxmaan Ugaas Khaliif =Xawaadle




13-Islow Barre Iidle C/lle =Baadi cadde




14-Wak. Ugas =Jajeele Islow Cabdi Wabar Xasan




15-Ugaas Cali Ugaas Cusmaan=Jajeele




16-Islow Max’ed Bille Gaabane =Jidle




17-Ugaas xasan Ugaas Yuusuf Ugaas Idris=Ugaaska labada Juba & Hiiraan ee Gaaljece




l18-Wak.Ugas Gaaljecel =Max’uud Ugaas C/llahi




19-Suldaan Rashiid Dhure Cumar Suldaanka Jubooyinka




20-Xuseen Cali Cumar=Gaaljecel




21-Islow Bille Islow Cusman =Dagoodi




22-Suldaan Cumar Xasan Kuusow =Shiikhaal




23-Suldaan C/shakuur Sheekh Xuseen Shiikhaal Reer Ow Khudub




24-Suldaan C/llahi Saciid Cusmaan =Hintire Degmada Balcad




25-Ugaas Abuukar Ugaas Xasan =Wadalaan




26-Ugaas Xaaji Max’ed Kurtun =Silcis




27-Ugaas Max’ed Max’uud Max’ed =Max’ed Gorgate




28-Ugaas Axmed Macalin Cabdi =Shiikhaal Gobolka Hiiraan




29-Ugaas C/lahi Sh. Cilmi Cosoble= Xuskul Hawiye




30-Ugas Xuseen Max’ed Cabdi =Hilibi




31-Cumar Max’ed Afrax =Abgaal32-C/lle Max’ed Max’uud Abgaal




33-Sheekh Max’ed Cabdi Shido =Abgaal




34-Suldaan Cali Suldaan Axmed =Abgaal




35-Axmed Max’uud Xasan =Abgaal36-Max’ed Abuukar Tuuryare=Abgaal




37-Caaqil Macalin C/llahi Max’uud =Abgaal




38-Malaaq Axmed Max’ed Layte =Abgaal





ISIMADA BEELAHA DAAROOD





1-Boqor C/llahi Boqor Muuse King-kong =Majeerteen




2-Ugaas Cumar Ugaas Xersi =Mariixaan




3-Ugaas Cumar Geele Max’ed Awrtoble




4-Suldaan Max’ed Shire Jaamac= Tanade




5-Garaad Max’uud Yuusuf Leelkase




6-Ugaas Xasan Ugaas Yaasiin =Dashiishe




7-Garaad C/llahi Cali Ciid =Warsangali




8-Islaan Xuseen Xaaji C/salaan =Warsangeli




9-Garaad C/salaan Xasan Max’ed =Dhulbahante




10-Ugaas C/llahi Ciise Nuur =Dhulbahante




11-Ugaas Ciise Ugaas C/lle =Mariixaan




12-Ugaas Bashiir Cabdi = Kabtaanle.1




3-Ugaas Max’uud Ugaas Max’ed=Biciid yahan.




14-Suldaan Bashiir Cabdi Garas= Wabeeneeye.




15-Suldaan Siciid Guuleed Muuse=Kaski qabe.




16-Suldaan Max’ed Yuusuf Cabdi= Cali Xijiijle.




17-Suldaan C/llaahi Xildiid soote= Amaanle.




18-Suldaan Cabdi Bille Wasame= Amarti Waaq.




19-Ugaas Axmed Ugaas Max’ed= Leelkase.




20-Ugaas C/llaahi Cabdi Laba qayd= Ogaadeen.




21-Suldaan Max’ed Cali Max’ed=Jambeele.




22-Ugaas Max’uud Ugaas Siciid= Tiinle.




23-Beel daaje. Salaad Cali Faarax= C/rixiim Suleymaan.




24-Beel daaje. Cabaas bin Jaceyl= Ismaaciil Suleymaan.




25-Beel daaje.Cali Faarax =Cali Jabraa’iil




26-Garaad C/llahi Max’uud Dacar =Geese Guule




27-Beel daaje.Max’ed Ismaaciil Cabdi =Ugaar Suleymaan




28-Beel daaje Faarax C/llahi Max’ed =Cali Suleymaan




29-Ugaas Xuseen Ugaas Max’ed =Cowl-yahan




30-Suldaan Cabdi Cali Sokor =Max’ed Subeyr3




1-Suldaan Faarax Suldaan Max’ed =Maqaabul




32-Ugaas Cali Buulle Cismaan =Bah-Geri




33-Suldaan Irshaad Siigaale Guure=Tola moge




34-Ugaas Ibraahim Aadan Geedi =Bar-tire




35-Suldaan C/llahi Axmed Shidde= Abaas Guul




36-Suldaan Cabdi Cismaan Macalin Sagal Geri- Koombe




37-Suldaan Muuse Nuur –Majeerteen




38-Garaad Cali Aar =Warsangeli




39-Ugaas Max’uud Baqow =Dhul-bahante




40-Ugaas C/raxmaan Xasan Cumar =Bah Geri




41-Siid Cali Xaaji Xersi =Leel-kase

MALAAQYADDA BEELAHA DIGIL IYO MIRIFLE

1-Malaaq Xasan Shurre Max’ed=Hubeer.
2-Malaaq Max’uud Max’ed Cabdi= Hadame.3
-Malaaq C/raxmaan Ibraahim Cali= Laysaan.4-Malaaq Xasanow Cumarow Xasan =Xaryin.5-Malaaq Isaaq Ibraahim Xasan= Luwaay.6-Malaaq Max’ed Cabdi Garuun=Geelidle7-Malaaq Yuusuf Cali Sheekh= Disoow.8-Ugaas Bilow Xasow Xaydar= Macallin weyne.9-Malaaq Shariif Muxiyadiin Xaaji Aadan= Asharaaf.11-Malaaq Macallin Cil Barre= Jaroon.12- Suldaan Ibraahim Ciliyow Ibrow=Jiido.13-Suldaan Siidey Xaaji Max’ed Nuur=Dabare.14-Suldaan Cismaan Suldaan Cabdi= Geledi15-Suldaan Buube Suldaan Cabdulle=Bagadi.16-Suldaan Cismaan Max’ed Max’uud= Tunni.17-Malaaq Max’ed Guud Max’ed=Eemid.18-Malaaq Ibraahim Aadan Macallin =Qoomaal.19-Malaaq Malabow Malaaq Isaaq Xasan=Garwaale.20-Malaaq Jeele Ibraahim Xuseen=Waanjel.21-Ugaas Cali Damdamle =Garre.22-Malaaq Macallin Salaad Macallin=Yalalle.23-Malaaq Aadan Maxamed Teegoow=Reer Dumaal.24-Malaaq Siidow C/lle Cusmaan=Eylo.25-Malaaq Sheekh Cali Sh. C/llaahi =Helede.26-Malaaq C/rashiid Sh.C/salaan= Yintaar.27-Malaaq Sh.Aadan Cusmaan Cabdi=Gabaab-weyn28-Malaaq Ismaaciil Malaaq =Jilible.29-Malaaq Siidow Madoobe Muuse= Shanta Caleemo.30-Garaad Axmed C/kariim Xuseen=Gasaar gude.31-Ugaas Jaylaani Cumar Shariif= Abaajabal.32-Ugaas Jeylaani Max’ed Cukaash= Oroole.33-Malaaq Ibraahim Mayow Ibraahim=Haraaw.34-Nabadoon Shariifow Max’ed Max’uud = Shanta Caleemo.35-Liibaan Macallin Ibraahim = Shanta Caleemo.36-Xaaji Mustaf Xasanow = Shanta Caleemo.37-Aadan Malaaq Xuseen = Shanta Caleemo.38-Suldaan Sh.Aaboow Max’ed Nuur =Duube Digil

ISIMADA BEELAHA DIREED
1-Boqor Raabi Yuusuf =Isaaq2-Caqil Cumar Cali Xasan=Isaaq 3-Ugaas Sh.Xasan Jaamac Max’ed =Gadabuursi4-Suldaan Cali Obsiye Bidaar=Gadabuursi5-SudaanC/llahi Kibaar Faarax=Gadabuursi6-Suldan Abiib Sheekh Max’ed =Gadabuursi7-Caaqil Sh. Bulaale Climi Waaberi =Ciise 8-Caaqil Sh. Xaamud Ducaale Abti doon =Ciise9-Caaqil Axmed Diiriye Cismaan =Ciise10-Suldaan Max’ed Abuukar Max’ed =Biimaal11Ugaas Nuur Ugaas Max’ed =Biimaal12-Ugaas Faarax Cabdi Sheekh =Biimaal13-Ugaas Max’ed Ugaas Aadan =Fiqi Mux’ed14-Sudaan Macalin Max’ed Max’uud Cali =Fiqi Mux’ed15-Nabadoon Xaaji Axmed Xasan Aadan =Fiqi Mux’ed16-Sudaan Axmed Nuur Sh. Muuse =Beesha Saleebaan C/lle17-Nabadoon Xasan Nuur Dhegood =Beesha Saleebaan C/lle18-Ugaas Xuseen Ugaas Cumar = Qubeys19-Ugaas Gaarane Ugaas Cusmaan= Beesha Bohol Garas 20-Ugaas Cabdi Yare Jaamac =B.Madalug21-Suldaan Xasan Sh. Dhicis =B.Madalug22-Ugaas C/xakiim Ugaas Max’ed =Baajamaal 23-Ugaas Max’ed Buule Jiirow =Wardaay24-Nabadoon Xuseen Max’ed Saalax =Wardaay25-Suldaan Ismaaciil Diyaad Cali =Aw Saciid 26-Ugaas Ibraahim Kuusow Ciise =Aw Saciid27-Max’ed Indhamood Cigaal =Dir

SALAADIINTA BEELAHA SHANNAAD

1-Suldaan Axmed Rashiid Sh. Shuceyb =Lixda Shiidle




2- Suldaan C/laahi X. Qaaneey =Shanbare




3- Suldaan Muxuyadiin Mukhtaar Muudeey = eylo




4- Ugaas Cali Ugaas Xasan =Makane




5- Ugaas Xaaji Xuseen Maxamed =Hintire




6- Caaqil Maxamed Cismaan Orow =Hintire




7- Ugaas Cabdi Xasan Yarow = Mahuraan




8- Ugaas Abuukar Qalaad Hadaafow =bah salaamo




9- Ugaas Muxumad Xasan Daa’uud =Gasar




10- Ugaas Muxumad Sh. Shaafici =Sedex Cumar




11- Ugaas Cabdi Siraad Ibraahim =Dagiine




12- Suldaan Cumar Ciid Qaaris =Reer Geedow




13- Sh. Axmed Sh. Maxamed = Ku simaha Boqorka kaboole




14- Ugaas Sh. Xasan Yare Xasanow =jilib reer masad




15- Caaqil Aweys Huneero =Mushunguli




16- Suldaan Luqmaan Xasan Xuseen =Ceytire




17-Ugaas C/qaadir Ugaas Axmed Deer =shiikhaal Reer Ow Xasan




18-Ugaas Max’ed Bashiir Ugaas Xasan =Midhibaan




19-Suldaan C/xaliim C/maalik =Ajuuraan




20-Ugaas Aadan Cabdow Sheekh =Muusa dheri




21-Suldaan Max’uud Muuse Ayax Dhowre =Yibir




22-Ugaas Cabdi Guure Max’ed =Garjante




23-Ugaas C/raxmaan Axmed Siyaad =Yaxye Saalax




24-Sudaan Sheekh Cali Max’ed =Carab Max’uud Saalax




25-Ugaas Faarax Gacal Guuleed =Tumaal




26-Ugaas Baani Aadan Baana =Baajuun




27-Malaaq Suufi Muudey Cali =Bandhabow




28-Nabadoon Xaaji Abuukar Aweys Cali =Sedex Geedi




29-Iikar Xaaji C/llahi =Camuudi




30-Malaaq Xaaji Mahdi Nuuroow =Moorshe




31-Nabadoon Xaaji Abuukar Aweys =Iskaashato




32-Malaaq C/qaadir Shiikhey =Ku sime malaaq dhabarweyne




33-Nabadoon Max’ed C/qaadir Max’ed =faqey Culimo




34-Nabadoon Islow Ibraahim Nuur =Yacquub




35-Nabadoon C/llahi Seyid Cali =Asharaaf




36-Nabadoon C/qaadir Sh. Max’ed shiino =Reer Maanyo




37-Max’ed Seyid Jaamac =Shiikaal Gandershe




38-Nabadoon Sheekh Cusmaan Sh. C/llahi =Shiikhaal Jaziira




39-Suldaan Cabddow Sheekh Max’ed =Beesha Marko




40-Suldaan Bashiir Saalax Cali =Meheri




41-Suldaan C/qaadir Cumar Faarax =Meheri




42-Caaqil Seyid Nuur Sheekh C/qaadir =Reer Baraawe




43-Suldaan Cumar Barre =Yaxar




44-Suldaan C/llahi Axmed Xasan =Reer Aw Xasan




45-Suldaan Cusmaan Khaalid =Reer Aw Xasan




46-suldaan Najiib Sheekh Cali Xasan =Reer Aw Xasan




47-Suldaan Seyid Xasan Axmed = Carab Soomaali
2-cali cumar xuseen (shinooy). E-mail( alcadaalla@hotmail.com)
3-xasan cusmaan buule E-mail( mofs935@hotmail.com)
4-axmed hilaal. E-mail( hilalsom@hotmail.com)
caleemo saar ugaas cusub oo ay yeelato bahweynta shiikhaal.
Waxaa taariikhdu markay aheyd 5/10/2008 Lagu Caleemo saaray Magaalada Muqdisho Suldaan Cusub oo ay Yeelatay beesha Shiikhaal Loobagay Gaar ahaan Hotelka Shamow ee Magaaladaasi Caasimada Dalka Soomaliya.

Xaflada Caleemo Saarka ayaa waxaa ka soo qayb galay Isimada Gobolka Banaadir iyo kuwa Koonfurta Soomaaliya Badankooda, Madaxda Dowlada, Aqoonyahano,odoyaasha dhaqanka iyo waxgaradka kale oo aad u tiro Badnaa.

Munaasibadan Caleemo saarka ahayd ayaa waxaa hadlo ka jeediyay Dadkii iyo Isimadii kasoo qayb galay Xafladaasi waxaan Culumadadii ka hadashay ka mid ahaa sheikh Max’uud Ow Cabdulle Cariif waxaana uu kula dardaarmay suldaankaasi Cusub in uu beesha ku hogaamiyo shareecada Islaamka sida ay magacahaan ay u wataan Beesha Shiikhaal.

Xafladaasi lagu caleemo Saarayay suldaanka Beesha Shiikhaal loo bogay Suldaan Shiikh Aadan Macalin Sugoow Suldaanka Cusub ee beesha Shiikhaal Shiikh Suldaan Aadan Macalin Sugoow oo isna ka hadlay caleemo saarkiisa kadib ayaa sheegay In uu sida ay beeshiisa u soo dooratay uu u gudan doono xilka loo Caleemo Saaray waxaana uuna kula dardaarmay Beeshiisa in ay ka shaqeeyaan sdii nabada loogu soo dabaali halaa dalka Somalia ee ay la degeen Colaadaha.

Dhamaan waxgaradkii ka hadlay Caano shubkaasi ayaa waxay ku Booriyeen Suldaanka Cusub ee uu si daacad ah u Hogaamiyo Beesha Caleemo saaratay uuna si daacad ah isugu soo dhoweeyo Beelahaas doortay iyo Beelaha kale ee Soomaalida ee ay ood wadaaga yihiin waxayna Xafladaasi kusoo dhamaatay jawi Macaan iyo degenaansho.
an english version of one of the somalis sub clan(shiikhaal)

Main article: Somali clans specially sheekhaal .
Sheikhal (var. Sheikhaal,Sheekhaal, Sheikal, Shikal, Arabic: شيخال) or Fiqi Omar is a Somali clan whose members inhabit both Somalia and the Somali Region of Ethiopia, with considerable numbers in northeastern Kenya. Some Sheikhals, particularly the Aw Axmed Loobage subclan, claim they are part of the larger Hawiye group, while others, such as the Aw-Qutub subclan, dispute this.

The Sheikhal clan traces its ancestry to Fiqi Omar, who was the companion of Sheikh Yusuf Al Kawneyn, who together spearheaded a renaissance of Islam in all Somali-inhabited areas of the Horn of Africa around the 13th century.[citation needed] Fiqi Omar, also known as Omar Al-Rida, in turn traced his lineage to the first caliph, Abu Bakr (Sayid Abubakar Al-Sadiq).[citation needed] Many prominent Somali Muslim scholars, such as Sheikh Ibrahim Dusuuqi, Sheekh Qudubi,Shaykh Cumar Faruuq and Sheikh Mohamed Ahmed Mussa (or Hagi Chadi) came from the Sheikhal tribe

Sheikhaal sub-clans(qeybaha shiikhaasha)

Aw-Qutub
Aw Axmed Loobage
Aw Cismaan Gandarshe(reer xamar)
Jaziira also known as Baa Xassan(reer xamar)
Qallu
Teedan
Abiib
Cali cafiif
Gudle
Cabdi shekh
Cabdi sufi
Seka-when in Afar Region
Cabdisamad
Sheikh Hayti
Seyle
Heebjire AW Qudub Clan in Awdal region of Northwest of Somalia.
Wardiiq AW qudub clan in isse land in Ethiopia and Djibouti.
Reerow-Xassan (Some of Reer Aw xassan clans men dispute that they are part of larger Sheekhaal Clan while others accept it.

Prominent figures(ama shaqsiyaadka ugu caansan shiikhaal)

Dr. Ali Sheikh Ahmed founder and president of Mogadishu University, and president of Al-Islaah, a Muslim organisation in Somalia

Major General Mohammed Hussein Ali, Commissioner of Kenyan Police and East African Police chairman.

wad ku mahad santahay booqashada wenkan waxaan u aas aasnay sidii beesha shiikhaal ay fikirkooda uga dhiiban lahanaayeen gaar ahaan beesha shiikhala cabdi sheekh.